Thursday, January 7, 2010

Warsaxaafadeed: Imaatinka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Iyo Wafdigiisa

Warsaxaafadeed:
Imaatinka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Iyo Wafdigiisa

January 6, 2010


Waxa madaarka madaarka wayn ee Washington-Dulles Airport ka soo degaya maalinta Jimcaha ee Taariikhdu tahay 8-da bishan Jan wafdi ka socda xisbiga Kulmiye oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Axmed Maxamed Maxamud ( Siilaanyo) iyo marwadisa marwo Amina Sheekh Maxamed Jirde. Waxaa kale oo isna ka tirsan wafdiga gudoomiyaha, xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdillahi Cumar oo isna habeenimada Khamiista ku soo beegan magaalada Washington.

Mudane Axmed Siilaanyo oo martiqaad rasmi ah ka helay dawlada Maraykanka ayaa mudada uu joogo dalkan Markaynka kulamo kala duwan la yeelan doona wasaarada arimaha dibada ee dawlada Maraykan, wakiilo ka tirsan aqalka koongreska, madaxda hay’adaha samafalka, saaxiibada Maraykanka ah ee daneeya qaranimada Somaliland iyo jaaliyadaha reer Somaliland ee ku daqan dalkan Maraykanka. Gudoomiyuhu mudada uu jooga dalkan Maraykanka waxaa uu booqan doona magaalada Washingon/Verginia ka sokow gobolada Minsoota ,Ohio iyo gobolada la dariska ah oo halkaa uu kula kulmi doono jaaliyadaha reer Somalind ee degan goboladaas.

Gudida Fulinta Ee Xisbiga Kulmiye
Waqooyiga Maraykan

Wixii Faahfaahin ah Kala xidhiidh mykulmiye@kulmiye. org


For Immediate Release: Kulmiye Delegation will arrive Washington DC
January 6, 2010

Your browser may not support display of this image.

Chairman Ahmed Mohamed Silanyo is leading a Kulmiye delegation that will arrive at Washington-Dulles International Airport on Friday morning January 8, 2010. The delegation includes Chairman Ahmed Silanyo, His wife Amina Mohamed, and Dr. Mohamed Abdillahi Omar, Foreign Secretary for Kulmiye.

Chairman Ahmed and the delegation have meetings US government scheduled with the State Department, members of the US Congress, Washington Think-thank organizations that support democracy in the Horn of Africa and are friends of Somaliland, and Somaliland Communities. The delegation will visit the Somaliland Communities in Ohio and Minnesota during the trip. The delegation will be in the US for two weeks.

Kulmiye - North American Executive Committee
mykulmiye@kulmiye. org