Monday, April 6, 2009

War Deg Deg ah: Weriyaha Idaacada Horyaal wariye Sayid Oo Xabsiga Loo Taxaabay.


Waxaa maanta weriye Sayid oo ku guda jira hawlihiisii shaqo oo duubaya xafladii maanta ee xarunta Kulmiye ka hor dhacday, midaas oo lagu xusayey oo ah maalinta Mujaahidiinta SNM 6/04/09.

Ma cadda sababta ay xabsiga u dhigeen, waxaase loo taxaabay xabsiga, waana olole ka dhan ah saxaafada madaxabanaan ama taageerta Xukuumada Rayaale, waa cabudhin ku wajahan saxafada.

Hore waxaa todobaadkii hore loo taxaabay xabsiga weriyaha Somalilandfuture Online, mudane Liibaan Maaweel iyo Axmed Dhuxul iyo weriyayaal kale, Wax dacwad ah oo lagu eedeeyeyna ma jirin.

Xadhiga Sayid, wixii ka soo kordha kala soco Somalilandfuture Online.


Source/Somalilandfuture

No comments:

Post a Comment